Wasiir Hinda oo Maanta Furtay Tababar Kor Loogu Qaadayo Qaar Kamida Shaqaalaha Wasaarada MESAF


Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa maanta Ka furtay Xarunta Holka Xarunta Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland  tababar soconaya muddo laba cisho Tababarkaas oo Diirada lagu saaro doono Sidii kor loogu qaado laha Daryeelka  dadka nugul Tababarka ayaa waxaa   soo agaasimay  agaasimaha waaxda arimaha bulshada Ahmed-kayse omar Ibrahim Ugu Horayn Wasiir Hinda ayaa Ku Dheeratay Ahmiyada Daryeelka Dadka Nugul Oo Inta Badan U Badan Hooyada Iyo Dhalanka Taasina ay Waajib Tahay In Kor Loo Qaado Aqoonta Shaqalaha Ka Shaqaynaya Daryeelka Dadka Nugul, Waxaanay Wasiir Hinda U Soo Jeedisay In Ay Ka Fa’idaystaan Tababarka Socon Doona Mudada Labada Cisho, Wixii aad Ka Fa’idan Si Aad Ugu Dabaqdaan Shaqada aad Qaranka U Haysan, Madamada Ay Wasaaradu U Igmantahay Daryeelka Dadka Nugul Waa Lagama Maarman In Kor Loo Qaado Xirfadiina ayey Ku SooGebo Gebaysay Wasiir Hinda

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *