Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Ee Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Mudane Axmedkayse Cumar Ibraahim ayaa Maanta Furay Tababar ay Iskugu Yimaadeen Daneeyaasha Ka Shaqeeya Kor U Qaadida Caruurta, Tababarkaas Oo Socon Doono Mudo Laba Cisho ah, Ugu Horayn Waxaa Tababarka Ka Hadlay Agaasime AxmedKayse Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Ujeedada Kulanka Lagu Baranayo In ay Tahay Mid Kor Loogu Qaadayo Daryeelka Caruurta, Waxaanu Kula Dardaarmay Ka Soo Qayb Galayaasha Ka Socday Hayadaha Dawlada Iyo Kuwa Maxaliga In Ay Si Fiican Uga Fa’idaystan Si Loo Gaadho Yoolka ay Wasaaradu Hiigsanayso, Waxaa Kulankaas Ka Soo Xaadiray Hayadaha Dawlada Oo Ay Ka Mid Yihiin Wasaarada Caafimadka.Wasaarada Waxbarashada, Wasaarada Warfaafinta, Wasaarada Cadalada Dhinaca Kale Waxaa Ka Soo Qayb Galay Hayada Wadaniga ,Talowadaag,SOS,Nagaad,Hayada Xuququl Insaanka Qaranka Iyo Hayada Havayoco.
No comment