Waajibaadka Shaqo Ee Ay Qaranka U Hayso Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland ayna Ku Hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani


1- Inay Diyaariso Siyaasadaha Iyo Xeerarka Kala Duwan Ee La Xidhiidha shaqo Abuurka ,Xuquuqda Shaqaalaha Rayidka Ah Iyo Arrimaha Qoyska
2- Inay Diwaangeliso Shaqaalaha Shirkadaha ,Haayadaha Wadaniga ah & Kuwa Caalamiga Ah Ee Haayadaha Qaramada Midoobey

3-Inay Faafiso Hubisana Ku Dhaqanka Xeerarka La Xidhiidha Maamulka Shaqaalaha Rayidka Ah & Arrimaha Qoyska Si Loo ilaaliyo Xaquuqda Shaqaalaha & Xaquuqda Qoyska
4-Inay Ilaaliso Hubisana Fursadaha Shaqo Qorista Hay,adaha & Shirkadaha in Lo Maray Si Sharciga waafaqsaan

5-Inay Go aamiso Shuruudaha Ogolaanshaha Shaqada Ee Ajaanibka Bixinta Ruqsadaha Ogalaanshaha & Daba Galka Ku Dhaqanka Shuruudahas
6- In Ay Xaliso Khilaafka Shaqo Ee Loo Shaqeeyaha & shaqaalaha Aan Dwaliga Ahayn Ee Diwaan Gashan

7- Inay Dhiiri Geliso Waxbarashada iyo Tobabarada Shaqaalaha Rayidka Ah iyaga Oo soo Saaray Faafinayana Siyaasado iyo Hadafyadooda Ku Waajahan Horumarinta Waxbarashada Ee Shaqaalaha Rayidka Ah
8- Inay Dhiirigeliso Abuurista iyo Diiwangelinta Ururo Shaqaale Oo Rayid Ka Ah Si Waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka Ah

9- In Ay Habayso Gacanna Siiso Ururada Shaqaalaha Ee Heer Qaran

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *