Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Aya maanta ka qayb gashay xaflada qalin jebinta Burco university faraceeda Caynaba o ay manta ka qalin jebiyeen 26 Ardayda


Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Wasirka wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaji Aadan
Ex Wasiir Maxamuud xaashi
Ex Wasiir Cali Siciid Raygal

Aya maanta kala qayb galay ardayda Jaamacada burco faraceeda Caynaba oo ah dufcadii koobaad ee ka qalin jebisay Jaamacada Burco faraceeda Caynaba

Marwo Hinda aya madashaas ka jeedisay hadalo isugu jira dardaaran iyo dhiirigelin
Waxaana ka mid aha khudbadi dhaxal galka ahayd ee wasiirku ka jeedisay madashas

Waxa farxad ii ah aniga iyo inta goob jooga ka ah madashanba inaanu nasiib u yeelano dufcadii koobad ee ka qalin jebisa jaamacda burco faraceeda Caynaba inaanu la wadaagno farxada ardayda iyo deegaankaba

Marlabaadka waxa iyana farxad ii ah in maanta la dhagax dhigi doono Jaamacadi Caynaba University
Waxaynu xusi karna taariikhda Caynaba leedahay kuna caan tahay horaadadi aqoonta

Waxaan kula dardaarmaya dhalinta reer Caynaba inay maanta qalinka qaatan kuna dadaalan aqoonta oo maanta xukuumadani tahay mid dadka Ku kala xulanaysa aqoonta balse aan u eegay hayb iyo magac waynan
Waxaana marag idiin ka ah sidii shaqaalaha lo qaadanayey dabayaaqadi sanadkii tegey

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya ugu danbayntii u mahadnaqday Isu duwaha wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee gobolka Saraar oo kamid ahayd ardaydi maanta qalin jebisay

Ugu danbayntii waftiga aya soo kormeeray dhulka laga dhisi doono Jaamacada oo dhan 1HIKTAR
Jaamacadaso Guud ahaanba lagu dhigan doono faculty yada kala duwan ee lagu barto jaamacadaha Somaliland

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *