Madaxwaynaha Dawlad Deeganka Soomalida Ethiopia Mustafe Cagjar aya maanta si diiran uso dhaweeyey Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland


Madaxwaynaha ismaamulka Dawlad deeganka soomalida Ethiopia Mustafe cagjar aya soo dhawayn diiran u sameeyey

Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland

 

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya ugu horaynba uga mahadnaqday madaxwaynaha soo dhawaynta uu u sameeyey

Kuna bogaadisay hanaankiisa maamul iyo dhabaha wanaagsan ee u Ku hagayo umadiisa

 

Dhanka kale Wasiir Hinda waxay aad ugu dheeratay xidhiidhka qotoda Dheer ee ka dhexeeya ismaamulka soomalida Ethiopia iyo

Jamhuuriyada Somaliland shacab ahaan iyo maamul ahaanba

Iftiimisayna maraaxilkii kala duwana ee umadaha wada yaala so wada mareen

 

Ugu danbayntii Wasiir Hinda aya ugu ducaysay madaxwaynaha in ilaahay xilka u fudaydiyo kuna garab galo

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *