Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska Soomaliland Oo safar shaqo u joogta caasimada Nairobi Ayaa Maanta Booqatay Safaaradda soomaliland ku leedahay wadanka kenya


Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland aya maanta booqasho Rasmiya Ku tagtay safarada Somaliland Ku leedahay wadanka Kenya fadhigeeduna yahay magaalo madaxda Nairobi

Waxa safarada wasiirka si diiran uguso dhaweeyey ambassador Bashe Awil safiirka u fadhiya Somaliland Kenya
Amb Bashe aya wasiirka warbixin ka siiyay hawlaha shaqo ee ay safaaradu qaranka u hayso iyo waxqabadkoodaba

Ugu danbayntiina Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya uga mahadcelisay safiirka hawlaha shaqo ee uu qaranka u hayo iyo soo dhawaynta diiran ee uu u sameeyey

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *