Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland oo maalmihii laso dhaafay safar shaqo Ku joogtay Nairobi aya maanta kulan gaara la qaadatay Madaxa Horumarinta dhaqaalaha Ee Xafiiska mucaawi nooyinka Dawlada UK Mrs:KATE


Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland oo maalmihi laso dhaafay safar shaqo Ku joogtay Nairobi aya maanta kulan la qaadatay Madaxa Horumarinta dhaqaalaha Ee Xafiiska mucaawinooyinka dawlada UK Mrs:KATE

Ahna Gudomiyaha gudiga farsamo Ee wadaaga ah una qaabilsan qaadhan bixiyayaasha dawladaha Somaliland iyo Mamulka Somalia
Dhanka kale Mrs KATE iyo Wasiir Hinda waxay kuwada hadleen Arrimo dhawr ah oo muhiim u ah qaranka Jamhuuriyada Somaliland

Marwo Hinda Aya ugu horayntiiba uga mahadnaqday Dawlada UK sida hagar la,aanta ah Ee ay Somaliland uga caawiyaan dhinacyada Dhaqaalaha,Dimuqraadiyada Doorashooyinka & Amaanka

Wasiirku waxay kala hadashay sidii ay Dawlada UK uga caawin lahaayen shaqo abuurka dhalin yarada Somaliland sharaxaad na ka siisay siday Somaliland uga go,antahay inya shaqo abuurka dhalin yarada

Wasiir Hinda aya tusaale uso qaadatay barnaamijka shaqo qaran oo markii ugu horaysay madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ka hirgeliyay Somaliland
Kaso sanad kasta la qaadanayo 1500 oo dhalin yaro ah

Oo ka kooban 925 wiil iyo 500 o Haweena iyo 75 Naafo ah
Waxa kale oo wasiirku u iftiimisay
In uu Madaxwaynuhu Aas Aasay sanduuqa Horumarinta dhalinyarada Somaliland Oo ay dawladu Ku shubtay lacag dhan $200,000

Ugu danbayntii wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya uga warantay deeq bixiyayaasha waxqabadada ka socda Guud ahaanba Somaliland qabsoomida doorashooyinka golayaasha deeganka iyo Baarlamanka oo la goaamiyay inu qabsoomi doono dabayaaqada sanadkan

Xukuumada maanta talada haysana ay ka goantahay ka qayb qaadashada haweenka ee kuraasta baarlamanka iyo golayaasha deegankaba Wasiir Hinda aya u iftiimasay doorka ay kaga qayb qaadan karaan in dawlada UK ka caawiso Somaliland sidii kor loogu qaadi laha haweenka hanka leh

Mrs; KATE aya ugu Hambalyeysay Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani dadaalkeeda shaqo iyo kartida ay u leedahay shaqo wanaaga iyo u debecsanaanta bulshadada &
Dhiiri gelinta haweenka
Kuna dheeratay muhiimada ay leedahay shaqo abuurka dhalinta reer Somaliland iyo saamaynta ay Ku leedahay dhaqaalaha koraya ee Somaliland

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *