Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Aya maanta la kulantay wadamada qaadhan bixiyayaasha Ee Somaliland ka taagera dhinacyada Horumarka iyo Shaqo Abuurka wadamadas o ay kamid yihiin CANADA,SWEDEN, ITALY,JAPAN, GERMANY iyo xubno ka socda Bank Horumarinta Africa


Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta kulan balaadhan la yeelatay wadamada qaadhan bixiyayaasha ah kana taagera Jamhuuriyada Somaliland dhinacyada Horumarka iyo shaqo Abuurka

 

 

Xubnaha ay wasiirku la kulantay waxay metalayeen wadamada

CANADA,SWEDEN, ITALY,JAPAN, GERMANY

iyo xubno kalo ka socda Baanka Horumarinta Africa

 

 

 

Wasiirku waxay kala hadashay horumarka ay somaliland ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, dimuqraadiyada  iyo amniga buuxa ee ka jira Guud ahaanba  Somaliland.

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani  waxa kale oo ay u sheegtay qaadhaan bixiyeyaasha inay somaliland ka go’an tahay inay wax qabsato laakiin ay rabaan in Somaliland lala garab qabto horumarka ay hiigsanayso

 

 

 

Waxaana kamid Aha khudbadi taariikhiga ahayd ee

Wasiir Hinda ka jeedisay shirka

Ugu horayn waxaan u mahad- celinayaa dhamaan qaadhaan bixiyayaasha  Somaliland ka taageera dhinacyada kala duwan ee horumarka xaga shaqo abuurka, kobcinta dhaqaalaha,  adeegyada bulshada, xuquuqal insaanka, maamul wanaaga iyo dimqoraadiayadda.

 

 

Waxaan sidoo kale uga mahad celinayaa dhamaan qaadhaan bixiyeyaasha halkan shirkan inagula sugan iyo inta ay fariintaydu gaadho  dulqaadka iyo samirka ay u leeyihiin wax badan oo sidii ay rabeen ama qorsheeyeen aan uga hirgalin dalalka ay caawiyaan in badan oo kamid ah.

 

 

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa qaadhaan bixiyayaashii qaybta ka ahaa wajigii koowaad ee mashruucan shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland [Italy, Sweden, Denmark iyo Swizerland] iyo Haayadihiii qaramada midoobay [FAO, HABITAT, UNDP iyo UNIDO] ee wadaaga ku ahaa inay dawlada Somaliland kala shaqeeyaan fulinta mashruucani.

 

 

Somaliland waa dal  nabdoon oo soo koraaya horumar balaadhana ka sameeyey xaga maamul wanaaga iyo dimqoraadiayada,  Somaliland Population keeda waxaa lagu qiyaasaa 4 milyan oo qof oo ay 70%  tahay dhalinyaro da’doodu ka yartahay 35 jir, taas oo macnaheedu yahay laba milyan iyo sided boqol (2.8 milyan) ayaa lagu qiyaasaa tirada dhalinyarada Somaliland, tirokoobyo aan rasmi ahayn baa waxa ay ku qiyaaseen inay dhalinyaradsaadi 75% ay yihiin shaqo la’aan.

 

 

Shaqo la’aanta dhalinyaradu waa mid kamid ah caqabadaha waaweyn ee haysta Jamhuuriyada Somaliland, dawlad ahaan waxay ay noo tahay ahmiyad weyn wax ka qabashadeedu sida ku cad qorshaha horumarinta qaranka ee labaad, anagoo qorshaas ka duulayna dawlad ahaan waxaanu qaadnay talaabooyin aanu shaqo ugu abuurayno dhalinyarta Somaliland waxaana kamid ah:

 

 

Madaxweunuhu waxa uu aasaasay Sanduuqa horumarinta dhalinyarada oo lagu shubay $200,000 kaasi oo loogu talogalay in dhalinyarta la timaada fikrado iyo hal abuur ganacsi oo abuuri kara shaqo in laga maalgaliyo sanduuqaasi iyada oo aanu hoosta ka xariiqayno inaanay dabooli karayn baahida taal.

 

Dawalada Somaliland waxay ay bilowday mashruuca SHAQO QARAN oo loogu talo galay in sannad walba 1,500 kamid ah dhalinyrada dhamaysatay waxbarashada jaamacada oo isugu jirta rag, dumar iyo naafadaba  in lagu siiyo tababaro xirfadeed oo ay ku shaqo gali karaan muddo 3 bilood ah kadibna ay ka shaqo gali doonaan haayadaha dawlada.

 

1,500 ee dhalinyarada ahi waxa ay dawladu qorshaysay in 925 ay noqdaan wiilal, 500 na gabdho halka ay naafaduna noqonayso 75 oo tirade guud ka ah 5%.

Waxaananu qaadanay sannadkan 1,500 ee ugu horaysay oo maray nidaam loo dejiyey kala xulistooda.

Qorshani waxaa uu idin tusayaa sida ay Somaliland uga go’an tahay xallinta dhibaatada shaqo la’aaneed ee dhalinyarta haysata, waxaananu codsanaynaa in dedaalkaa aanu wadno nalala garab qabto.

Iyada oo ay jirto dedaalada ay qaran ahaan dawladu wado sidii loo dhimi lahaa shaqo la’aanta baahsan ee dhalinyarada haysata haddana waxaa kala badan baahida shaqo la’aaneed ee jirta iyo awooda dhaqaale ee dalka oo aan is daboolayn, sidaas darteed waxaanu ka rajaynaynaa dalalka ay matalayaan masuuliyiinta shirkan inagala soo qayb gashay oo Somaliland wax badan ka taageeraa inay naga caawiyaan sidii aanu shaqooyin ugu abuuri lahayn dhalinyarada Somaliland taasi oo saamayn positive ah ku yeelan doonta horumarka Somaliland xaga koboca dhaqaalaha iyo aminigaba.

Mashruucan wajigiisii hore waa uu koobnaa waxaase aanu rajaynaynaa in uu wajigan labaad noqon doono mid balaadhan oo samayn weyn ku yeesha shaqo abuurka dhalinyarada dhamaan goboladda Somaliland.

Mashruucan aanu idinka codsanayno inaad naga caawisaan waxa uu ku salaysan yahay kana soo unkamay qorshaha horumarinta qaranka Somaliland waxaananu ugu talo galnay inuu culayska saaro:

Shaqo abuurka dhalinyarada iyada oo kor loo qaadayo  mashaariicda ganacsi abuurka ee diirada saara qaybaha qiimo ku biirka sare leh (High value added sectors) isla markaana leh awood koboc sida Beeraha, Kalluumaysiga, Xoolaha iyo Tamarta la cusboonaysiin karo si loo abuuro boosas shaqo iyada oo loo marayo awood saarista goobaha silsilada qiimaynta (Value chain thematic areas) iyo abuurka ganacsiyada dakhliga yar ku kaca (SMEs) iyo sidoo kale kor u qaadista xidhiidhka la la leeyahay Adeegyada Horumarinta Ganacsiyada (BDS).

Kor u qaadista iyo tayaynta  tababarada xirafaha gacanta iyo is waafajinta tababaradaas iyo baahida suuqa shaqada taala.

In la aasaaso nidaam xogeed habaysan oo suuqa shaqaalaha ah  si loo kormeero isbedellada ku yimaada suuqa shaqo isla markaana la fududeeyo qaabaynta, qorshaynta iyo kormeerka siyaasadaha iyo mashaariicda loo adeegsado jiilka shaqo.

Dhamaan arimahaas aan soo xusay iyo qaarkale oo muhiim noo ah oo aanu ku dhimayno shaqo la’aanta dhalinyarada Somaliland ayaa ku qoran qorshaha wajiga labaad ee mashruucan oo ku salaysan qorshaha  hrumarinta qaranka Somaliland, Sidaas darteed waxaanu si xushmad iyo qadarin leh uga codsanaynaa dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha shirkan inagula sugan inay naga caawiyaan wajiga labaad ee mashruucani si waafi ah.

Waxaan hoosta ka xariiqayaa inay Somaliland kamid tahay wadamada aanay qaadhaan-bixiyeyaashu aany ku khasaarin ee ay ka muuqato wixii lagu caawiyey, waxa aad awood u leedihiin inaad idinka oo aan cid kale wakiilan aad soo aragtaan lacagtii aad ku caawiseen Somaliland halka ay gashay iyo inaad hubisaan waxa la qabtay ma loo qabtay sidii qorshuhu ahaa iyadoo ay saamaxayso aminiga, kaladambaynta iyo nidaamka dawladnimo.

Sidaas darteed waxaanu idinka codsanaynaa inaad noo tix galisaan nidaamka, kala dambaynta iyo dimqoraadiyada aanu hirgalinay waxna nagala qabataan duruufaha awoodayada ka baxsan ee ay shaqo la’aanta dhalinyaradu ugu horeyso.

Somaliland waxay idin leedahay waxaanu leenahay qorshe aanu kaga gudbayno caqabaha na horyaala waxbaanu qabasanaynaa iddina wax nala qabta.

Waad mahadsan tihiin

News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *