Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta kormeer Ku tagtay xarunta xidhiidhka ururada shaqaalaha rayidka ah Somaliland labour unions Org{SOLLUO}


Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta kormeer Ku tagtay xarunta ururka shaqaalaha rayidka ah ayna Ku midaysan yihiin qaybaha kala duwan ee shaqaaluhu

Wasiirka Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya kormeertay ugu horaynba xafiisyada kala duwan ee urukani leeyahay
Kormeerna kuso samaysay qalab ay Wasaaradu Gaadhsiisay xarunta ururka

Dhanka kale Gudomiyaha xidhiidhka ururada shaqaalaha aya Wasiirka uga mahadceliyay qalabaynta ay Ku samaysay xarunta ay Ku shaqeeyan
Iyo dadaalka dheer ee ay ugu jirto isku xidhka ururada shaqaalaha
Ururkaaso la aasasay 2002 wuxuuna

Wasiirka aya ugu danbayn tii madashaas ka jeedisay khudbad dhaxal gala oo runtii dareen wadaniyadeed Ku abuurtay dhamaanba ururada shaqaalaha rayidka ah waxaana kamid aha khudbadi wasiirka

‘Waxaan kelmad ka odhanaya qaabka shaqaalaysiinta habluhu waa laf dhabarta qaranku leeyahay waxa weeye qofku inu shaqaystaa ceeb maaha waxaa ceeba adigoo xoog leh oo caafmad qaba intaad hurudo aad shaxaad tagto
Oo nin dhididaya u shaxaad tagto taasa ceeba

Dhamaantiin aad iyo aadban idiinku Mahad celinaya waxaan idin ka rajaynaya inad Wasaarada si toosa u iman doontan ayna wasaaradu bixin doonta

Shahaadada aqoonsiga ururada Xafiiska shaqaalaha ayaanad ka qaadan doonta hadii alle ka Dhigo
Urur walba waxa laga raba inu fayl Ku lahaado Wasaarada isla markaana ka diiwan gashan yahay
Waxay sah laysa dadka ajaanibka ah sidii wadanka looga saari laha

Waxay ka wasaarad ahaan noo sahlaysa tani inaanu ilaalino shaqada qof muwaadina qaban karo inaanu qof ajaaniba qaban karin

Waayo markiiba hadaanu ka joojino waxaa no fududaanaya inaanu helno qof kaalin tiisi buuxin kara
Marka waxay laf dhabar ka noqonaysa wada shaqaynteena
Inaad gabdhahana ka siisan saamiga ay xaqa u leeyihiin

ALLA MAHADLEH

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *