Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka golayaasha iyo Dastuurka Somaliland aya manta hablaha barnaamijka Shaqo Qaran ee gobolka tohdheer u qaybiyay Buugagta Dastuurka Somaliland


Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland aya ugu horaynba madashaas ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxaana ka mida aha sidatan

Dhamaantin waxaan idin leeyahay aynu barano Dastuurka dalkeena
Runtii wuxu inoo taraya wax badan
Dalkaaga hooyo wa waxaad qof Ku tahay ee aad geesi Ku tahay ee aad aqoon yahan Ku tahay inaad barato waxa isaga wax u dhimaya,iyo in aad barato waxa wax taraya
Waa shay aad iyo aad u qiima badan waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan maanta idin hor imaado

Waxaan idinka codsanaya wakhtiga aad jaaniska haysaan dhamaan iskuulada dugsiyada Hoose iyo kuwa dhexeba inaad maamulka ula tagtaan siisaana xiisad muta dawacnimo ah oo aad ka bixisaan Dastuurka jamhuuriyada Somaliland

Aad iyo aadbad u mahadsantihiin waxaanan idiin rajaynaya khayr iyo mustaqbal wanaagsan waad salaamantihiin

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *