Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland ayaa habeenimadii xalay magaaladda hargaysa ugu samaysay casho sharaf masuuliyiinta haayadda AFAD ee fadhigoodu yahay dalka Turkey.
Wasiirka wasaaradda iyo masuuliyiinta haayadda aya kawada hadlay dardar gelinta hawlaha mucaawino ee ay ka wadaan dalka.
Safarka masuuliyiinta aya daba socday kadib socdaal ay wasiirka wasaaraddu ku tagtay dalka Turkey bishii laso dhaafay.
Masuuliyiinta haayadda aya balan qaaday dhankooda inay xoojinayaan wada shaqaynta u bilaabantay wasaaradda iyo haayadda AFAD.
Ugu danbayna wasiirka wasaaradda ayaa uga mahad naqday sida wanaagsan ee ay uga hawl galeen Arrimaha Bulshada.
No comment