Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshadda iyo qoyska jamhuuriyadda soomaliland.
ayaa manta xafiiskeeda ku qaabishay saraakiil sarsare oo ka socda xafiiska deeqaha waxbarasho ee dalwaynaha turkey.
Wasiirka ayaa ugu horaynba uga mahadnaqday xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya wadamada soomaliland iyo turkey.
Safarka masuuliyiinta oo dabada ku hayey socdaal shaqo oo ay wasiirku ku tagtay dalka turkey isla markaana ay kalaso hadashay habka ay u maamulaan deeqaha waxbarasho isla markaana ay soomaliland ula macaamilaan sida dawladaha kale ee ay deeqaha waxbarasho siiyaan.
Ugu danbayna masuuliyiintan ayaa shahaado sharaf ku maamuusay wasiirka iyaga oo uga mahadceliyay sida habsami u socodka ah ee ay u wada shaqeeyaan iyo dadaalka dheeraadka ah ee ay arrimahan gelisay.
No comment