Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska mudane Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa ka qayb galay kulanka Xuska Maalinta HIV/AIDs oo dalka laga xusay. Agaasimaha Guud oo halkaasi ka jeediyay haddal ayaa waxa uu yidhi “Xuska Maalinta xanuunka AIDs ka ee 1da December, waa maalin wacyi gelineed, la xasuusanayo dadkii u dhintay xanuunka, dib loo eegayo dadaalada wax lagaga qabanayo fiditaanka xanuunka isla markaana lagu xusayo kumanaanka halyey ee u guntan siddii loo cidhib tiri lahaa xanuunka HIV/AIDs.
Adduunka 37.9 Milyan kof ayaa la nool fayras ta HIV. 50% waa haween. 770,000 qof ayaa u dhintay xanuuno la xidhiidha HIV. Sannadkii 2018 waxa dunnida fayras ta HIV haleeshay 1.7 minyan qof. Sidda ay sheegtay SOLNAC, Somaliland xanuunka HIV waxa uu haleelay 1683 qof, kuwaasi oo 60% ay yihiin haween. Somaliland & adduunkaba dadka xanuunka la nool inta u badan waa dad ku jira da’dii shaqada. Shaqadu kaalin weyn ayay ka qaadato la dagaalanka & jawaabaha laga bixinayo fiditaanka xanuunka. Shaqadu waxay sugaysaa xuquuqda qof ka la nool xanuunka, waxa ay ka hor tagaysaa takoorka dadka la nool HIV marka uu bulshadiisa ku dhex jiro. Shaqadu waxay keenaysaa dhiirasho in dadka HIV la nool aysan is qarin ee ay si kalsooni leh bulshada ugu dhex noolaadaan. Waxay fududeynaysaa in qof waliba kalsooni ku qabo in uu xanuunka iska baadho maadaama uusan takoor jirayn, taasina ay keento in daawayntiisu fududaato. In xaqo shaqo ee qofka la nool HIV la dhawraa waxay kobcinaysaa dhawrsoonaanta Bulshada (Social Protection).
Sharciga Shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland Qodobka 7aad, faqradiisa saddexaad ayaa sugtay xaqa shaqo ee qofka la nool HIV “Waa ay reebantahay in qofka Shaqaalaha ah lagu faquuqo, Shaqada lagaga saaro ama lagaga reebo tuhun ama inuu HIV/AIDS qabo, haddii uu Caafimaad ahaan Shaqadiisa u gudan karayo”
Arrinta kale ee muhiim ka u ah la dagaalanka HIV waxa ay tahay in kor loo qaado dhaqaalaha dadka la nool fayras ta HIV. Taasi waxa ay dadkaasi awood u siinaysaan in ay noloshoodu dhawrsoonaato oo ay helaan adeegyada la siiyo dadka la nool HIV, waxa dhismaysa kalsoonidooda bulshada dhexdooda, haddiise dhaqaale ahaan ay nugul yihiin waxa ay u nuglaanayaan xanuunka – waxa sidoo kale lumaysa dhawrsoonaantooda bulshada dhexdeeda – waa lama huraan kobcinta heerka dhaqaale ee bulshada lan ool HIV.
HIV/AIDs ma ahan kaliya arrin caafimaad, waa mid ku aadan ilaalinta xuquuqda dadka la nool HIV. Waa arrin ku aadan dhawrsoonaanta bulshada, waa arrin dhaqaale iyo xaalad halis ku ah horumarka bulshada. Sidaasi darteed innagoo ka duulayna halku dhegga sannadka ee ah “Bulshadaa is bedelka Samaysa” aan dhamaanteen ku dhiirano in aan is baadhno, qayb aan ka noqono ololayaasha ku aadan daawo qaadashada dadka la nool HIV, aan ilaalino xaqa & xuquuqda dadka la nool HIV aan sidoo kale u aragno xanuunka AIDs in uu la mid yahay xanuunada kale ee bani’aadamka asiiba isla markaana aan siino xaqa ay leeyihiin dadka la nool xanuunku.
No comment