Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska, Hayadda Xuquuqal Iinsaanka Somaliland & Dalladda Naafada Qaranka ee SNDF ayaa si wada jir ah u xusay Maalinta Naafadda Aduunka ee 3da December 2019.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska mudane Abdirashid Ibrahim Abdirahman oo munaasabada xuskaasi soo xidhay ayaa waxa uu ka jeediyay hadal hoosta kaga xariiqay caqabada haysata dadka naafadaha & dadaalada socda ee caqabadahaasi wax lagaga qabano.

Agaasimaha Guud hadaladiisii waxa ka mid ahaa “Caqabada haysta bulshada laxaadkoodu dhiman yahay ee adkaysiga lihi waa mid baaxad weyn leh oo aad u badan (People with Disability). Caqabado ka haysta ku dhex noolaanshiyaha bulshada, helitaanka waxbarashada, shaqada, gelitaanka goobaha cibaadada & helitaanka dhamaan adeegyada dadka laxaadkoodu dhan yahay ay helaan oo aysan helin ayaa haysata. Caqabadahaasi suulintoodu cid kasta masuuliyad weyn ayaa ka saaran; dawladda, bulshada & sharaaiga gaarka loo leeyahay ba”

Agaasimaha Guud waxa uu intaasi ku daray “Dastuurka Somaliland ayaa waxa uu sugay dhamaan xaqa & xuquuqda muwaadiniinta idilkood. Dastuurku waxa uu sugay xaqa u sinaanshiyaha dhamaan adeegyada nooc kasta oo ay yihii, xorriyadda, cadaalada & sugida sharafta muwaadinka, wada noolaanshiyaha bulshada oo ay ku jira dadka laxaad koodu dhiman yahay. Bulsho kasta waxa lagu qiimeeyaa oo lagu gartaa ilbaxnimadooda ilaa xad inta ay xurmeeyaan xuquuqda dadka laxaad koodu dhiman ayay & kuwooda nugul ee diinteena Islaamka & shuruucdeenuba ay sugeen xuquuqdooda. Sannado iyo waayo badan dadka laxaadkoodu dhiman yahay waxa aynu ka hor qaadi laanahay caqabado badan oo ay ka mid yihiin in ay innagu tiirsanaadaan oo aysan sida uu qof kasta oo laxaadkiisu dhan yahay uu xor u yahay in ay xoriyad wax qabsadaan, waxa ay la kulmay faquuq dhankeena oo aynu waxbarashadii, caafimaadkii & dhamaan adeegyadii aynu dabaqyo saarnay, waxa ay la kulmayeen caqabado aynu si sahlan u qaadi karno oo ah in aysan xataa goobihii cibaadada aysan innagula tukan karayn kaabado & jaranjarooyin dheer oo aynu kaga gudubnay dartood.

Somaliland dadka laxaadkoodu dhiman yahay sannadkii 2012 waxa lagu qiyaasay 546,000 qof sida ku cad siyaasadda naafada Somaliland taasi oo macnaheedu yahay haatan waxa ay ka badan yihiin 646,000 oo aan helin adeegyadii loo baahnaa.

Taasi macnaheedu ma ahan dadaalo ma socdaan, waxa la qaadayaa talaabooyin horumar ah balse u baahan dar-dar gelin & in wada jir si xawli ah looga hawl galo siddii bulshadeena nugul aynu caqabadaha uga qaadi lahayn. Waxa socda dadaalo badan; Waxa la diyaariyay siyaasadda Naafada qaranka oo hirgelinteedii socoto, waxa ay xukuumadu taageero maaliyadeed & kab ugu dartay miisaaniyadda qaranka ururada & daladaha naafadaha mideeya sida SNDF & DAN oo ka caawisa agabka dadka naafadaha, waxa hay’adaha dawladda ee adeegyada dadka naafada ah fuliya laga sameeyey waaxo u adeega dadkaasi – waxa sidoo kale socda in fursadaha shaqo ee dalka kaalmaha dadka naafada ah oo kooto ah la siiyo sidda shaqo qaran.

Waxa lama huraan ah in xaqa & xuquuqda dadkaasi ay dhamaan hay’adaha dawladdu sidii ay u dhamays tiri lahaayeen in ay ka hawl galaan; dugsiyadda ay wax ku baranayaan dadka laxaad koodu dhiman yahay, helitaanka dhamaan adeegyada ay helaan bulshooyinka kale oo ay lama huraan tahay in ay qayb ka noqdaa, qaaditaanka shuruucda laf jab ka & niyad jabka ku ah dadka laxaad koodu dhiman yahay ee hanan kara xil kasta & masuuliyad kasta oo loo dhiibo.

Gabo-gabadii Agaasimaha Guud waxa uu yidhi “Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku waxa ay ku hawlan tahay hirgelinta siyaasadda Naafada Qaranka & diyaarinta Xeerka Naafada Qaranka oo dhawaan qoristiisu bilaabmi doonto. Marka aynu xaqa & xuquuqda dadkeena nugul ee dadka laxaadkoodu dhiman yahay ka yihiin aynu sugno ayaa aynu ku dhawaanaynaa gaadhitaanka hadafyadeena”

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *