Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland mudane Cabdirashiid ibraahim sheekh cabdiraxmaan ayaa soo xidhay tartan ciyaareed ay wasaaradu u qabatay caruurta darba jiifka ah tartankaaso ay wasaaradu uga gon lahayd sidii lo ogaan laha hibooyinka caruurta.
Dhanka kale waxa tartanka barbar socday mucaawinooyin ay wasaaradu ugu tala gashay caruurta oo ay ka mid yihiin dharka dhaxamaha iyo bustayaal.
Agaasimaha guud aya madashaas ugu danbayn ku gudoon siiyay kooxdi ku guulaysatay tartanka koobab.
iyada oo tani ay kamid tahay dadaalada balaadhan ee ay wasaaradu ku taageerayao caruurta darba jiifka ah.
mana aha markii koobaad ee ay wasaaradu daryeel nololeed iyo mid waxabarasho ay siiso ubadka darba jiifka ah.
No comment