Marwo Hinda jaamac xirsi Gaani wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Cabdirashiid ibraahim sheekh cabdiraxmaan ayaa maanta kulan saacado qaatay la yeeshay dhamaanba agaasime waaxeedyada wasaarada.
Kulankaaso daarana isla xisaabtan dhaba oo diirada lagu saaraayo siduu u fulay qorshihii wasaaradda ee sanadkan dabayaaqada ah ee 2019 waxyaabaha ka fulay waxyaabaha aan ka fulin sababaha ay u fuli waayeen iyo casharada laga baran karo.
Waxaana shirka si rasmiya u furtay wasiirka wasaaradda.
Dhankiisa waxa si faahfaahsan u guda galay hawl qabadka shaqo agaasimaha guud ee wasaaradda.
Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa sanadkan gabaabsiga ah guulo wax ku oola gaadhay guulahaas iyo qorshayaasha oo salka ku hayey qorshaha qaran ee labaad.
{National Development plane2} iyado oo lagu dabaqaayo balanqaadadi madaxwaynaha qaranka.
No comment