Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland mudane Cabdirashiid ibraahim sheekh cabdiraxmaan ayaa maanta daah furay kulan balaadhan oo lagaga hadlaayo sidii bulshada saboolka ah loo gaadhsiin laha adeega ay u baahan yihiin


Wasaaradda Shaqo-Galinta, Ariimaha Bulshada & Qoyska waxay kulan heerkisia aad u sareeya lagaga hadlay sidii bulshada saboolka ah loo gaadhsiin lahaa adeegii ay u baahnaayeen ay u qabatay Hayadaha dowliga ah ee ka shaqeeya arrimaha bulshada sida

wasaaradda horumarinta Waxbarashada ,Wasaaradda Caafimaadka ,Hayada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Iyo Waaxda Arrimaha Bulshada Ee Dowladda Hoose .
Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa kulankan gudida degmooyinka xaafadaha hargeisa ee u hadla danyarta.
Kulankan oo uu gudoominayey agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Cabdirashiid ibraahim sheekh cabdiraxmaan.

ayaa sheegay in wasaaraduu sanadkan 2019 ay caawiyeen in ka badan laba kun oo qoys oo laga caawiyey miisaaniyada wasaarada, sidoo kale waxay wasaaraduu sanadka cusub bilaabi doontaa mashruuc loogu magac daray kaalmo oo la gaadhisiin doono 32 ku oo qoys dalkoo dhan qoyskastana loo samayn doono card uu ku qaadan doono lacag dhan $20 bilkasta waxaana ka faa’idaysan doono gobolada kala ah Sool ,Saraar ,Togdheer ,Gabiley iyo Awdal.

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *