Agaasimaha guud ee Wassaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo kulan u qabatay Saraakiisha Nootaayooyinka ka hawl gala caasimada Hargeysa


Maanta waxa xarunta Wassaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ka qabsoomay kulan ay isku soo duba-riday Waaxda Shaqo-gelinta iyo Tababarada, gaar ahaan Xafiiska Xalinta Khilaafaadka Shaqada kaas oo ay ka soo qayb galeen 40 ka mid Saraakiisha Nootaayooyinka ee ka hawl gala magaalada Hargeisa.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa sidii la isula meel-dhigi lahaa, isla markana looga hor-tegi lahaa in ay Nootaayooyinka Sharciga ahi ay u kala qoraan Shaqaalaha iyo Loo Shaqeeyayaasha heshiisyo shaqo oo aan waafaqsanayn Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah Xeer Lr-31/2004, waxa ugu horayn waxa ujeedada uu daaran yahay u iftiimiyay ka soo qayb-galayaasha,

Agaasimaha Waaxda Shaqo-gelinta iyo Tababarada; Mudane C/laahi Axmed Raabi; intaas ka dib waxa uu ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada oo daah-furay kulankan.

Agaasimaha Guud, waxa uu u mahad-naqay ka soo Saraakiisha Nootaayooyinka Sharciga ah, sida wanaagsan ee ay u soo ajiibeen martiqaadkii Wassaarada ee kulankan, waxa aanu tilmaamay in loo baahan yahay hirgelinta iyo faafinta mabaadi’ida Xeerka Shaqaalaha;

iyo in la iska kaashado dhamaan caqabadaha jira ee hortagaan sidii loo furdaamin lahaa. Sidoo kale, waxa uu agaasimuhu tilmaamay in caqabadaha waawayn ee hor istaaga xuquuqda shaqaaluhu uu ka mid yahay Heshiisyada shaqo ee ay qoraan kuwo ka mid ah nootaayooyinku, kuwaas oo ku qora heeshiisyadaas in qofka shaqaalaha ahi aanu wax xuquuq ah lahayn, taasi oo guud ahaanba ka soo hor jeeda Xeerka. Sidaas darteed,

Agaasimaha guud waxa uu u sheegay Saraakiisha Nootaayooyinka in ay ka taxadaraan Heshiisyada noocaas ah, isla markaana la talin ku filan siiyaan Shaqaalaha iyo Loo shaqeeyaha wakhtiga ay heshiisyada kala saxeexanayaan; una diyaariyaan heshiisyo sharciga waafaqsan.

Gebagebadii, waxa la guda-galay ajandihii kulankaas halkaas oo ay Garyaqaan C/najax Axmed Xirsi iyo Garyaqaan Mukhtaar Yuusuf Maxamed oo ka tirsan Xafiiska Xalinta Khilaafaadka shaqadu ay soo jeediyeen nuxurka mabaadi’da Xeerka Shaqalaaha Rayidka ah, nidaamka hirgelintiisa; habraacyada iyo hab-qoraalka heshiisyada shaqada iyo sidoo kale doorka ay ku leeyihiin Nootaayooyinka Sharciga ahi aagagaas.

Ugu dambayn; falanqayn dheer iyo soo jeedimaha saraakiisha ka dib; waxa kulanka soo xidhay Agaasimaha Waaxda Shaqo-gelinta iyo Tababarada.

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *