War-saxaafadeed GO’AANO KU AADAN SHAQADA & SHAQAALAHA.


 

 

War-saxaafadeed

 

 

Caabuqa COVID-19 waxa uu sababayaa xaalado dhaqaale oo adag, marka laga yimaado xaalada caafimaad ee shaqaalaha rayidka ah iyo qoysaskooda iyo bulshada guud ahaan, Illaahay ha innaga nabad yeelo eh, xaaladahaasi waxa ay saamayn ku yeelanayaan; Tayada Shaqada, Tirada shaqo, dhimista shaqada & shaqaalaha. Waxay sidoo kale saamayn baaxad leh ay soo gaadhaysaa dadka u nugul xaaladaha is bedelka Suuqa Shaqada; haweenka, dhalinyarada & dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Sidaasi daraadeed, Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku waxa ay la wadaagaysaa dhamaan loo shaqeeyayaasha & Shaqaalaha rayid ka ah ee dalka go’aamadan lagu xadidayo isla markaana lagu xakamaynayo xaaladaha shaqaalaha ee wakhtigan uu dalku taxadirka & xakamaynta ku samaynayo fiditaanka COVID-19.

 

COVID-19 waxa uu durba saamayn ku yeeshay shaqaalaha qaybaha dadban, gaadiidka, waxbarashada, hudheelada iyo sharaaiga wax soo saarkoodii uu hoos u dhacay. Taasi waxay caqabad ku tahay wax soo saarka shaqada iyo haynta shaqaalaha. Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & qoysku waxay usoo jeedinaysaa in COVID-19 uusan caqabad ku noqon shaqaalaysiinta & nidaamka xidhiidh ee ka dhexeeya shaqaalaha & loo shaqeeyaha.

 

Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku waxa ay faraysaa dhamaan Loo shaqeeyayaasha & shaqaalaha kala duwan ee dalka:

 

  • In ay loo shaqeeyayaasha & shaqaaluhuba joog teeyaan, isku xidhnaanta, iska war haynta iyo xog is waydaarsiga arrimaha ku aadan xidhiidhka shaqada & shaqaalaha wakhtigan adag si ay ku dheehan tahay dadnimo, walaaltinimo & muwaadinimo.
  • Loo Shaqeeyayaashu waa in ay masuuliyad dheeraad ah iska saaraan daryeelka shaqaalaha iyagoo sugaya dhamaan xuquuqahooda ku cad Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr. 31/2004.
  • In ay ilaaliyaan Bad-qabka Shaqaalaha ku sugan goobta shaqada si loo yareeyo saamaynta & fiditaanka Caabuqa COVID-19 iyadoo la raacayo go’aamadii Madaxweynaha JSL, go’aanada Guddida Qaran ee xakamaynta & ka hortaga COVID-19 & talooyinka hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO & xeerarka caalamiga ah ee badqabka shaqaalaha.
  • In ay hirgeliyaan talaabooyinka Caafimaadka & Bad-qabka Shaqaalaha; joojinta kulmada shaqaalaha & la kulanka tirada badan iyagoo hirgelinaya Fogaanshiyaha HAL ilaa LABA mitir (Social Distancing), joojinta is gacan qaadka, joogtaynta faraxalka, siinta shaqaalaha agabka bad-qabka (Protective Equipments), gaar ahaan shaqaalaha ka shaqeeya caafimaadka & farsamada gacanta & Shaqaalaha ku jira shaqo-carbinta (OSH).
  • In loo shaqeeyayaashu ay shaqaalaha siiyaan wacyi galin ku aadan qaabka looga hortago caabuqa COVID-19 iyo in ay shaqaalaha ka shaqeeya nadaafada ay ku tabo-baraan hab nadiifinta haboon ee dilaysa jeermiska xanuunka COVID-19.
  • In ay shaqaalaha u muujiyaan dabacsanaan ku aadan shaqada, iyagoo u ogolaanaya shaqaalaha ku soo shaqayn kara hab ONLINE ah (Teleworking).
  • In ay fasax galiyaan shaqaalaha dheeriga ah ee looga maarmi karo goobta shaqada, shaqaalaha xaalado caafimaad ku sugan iyo shaqaalaha ka weyn da’da 60 jirka iyagoo aysan waxba iska bedelayn xuquuqdoodii. Shaqaalaha kuwooda aan qaadan fasax sanadeedkoodii waxa ay qaadan karaan wakhti xaadirkan fasaxyadooda.
  • Loo shaqeeyayaasha ay u shaqeeyaan shaqaalaha ajaanibka ahi, waxa la farayaa in ay Xarumahooda Hurdada ee shaqaalahaasi seexdaan in ay aad u yareeyaan tirada qol kasta wada deggen si badqab kooda loo ilaaliyo.
  • Loo shaqeeyayaasha ay u shaqeeyaan shaqaalaha ajaanibka ahi waxa waajib ku ah in ay wacyi geliyaan shaqaalahaasi, kuna dadaalaan daryeelkooda & xidhiidhinta eheladooda.
  • Dhamaan Shaqaalaha ajaanibka ah & kuwa haysta ruqsada shaqo ee dalka, ee ka soo laabanaya dalka dibadiisu waa in ay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortaga caabuqa COVID-19 iyagoo galaya 14 Maalmood oo karantimeyn ah.

 

Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku waxa ay si feejignaan leh ula socotaa dhamaan arrimaha la xidhiidha shaqada & shaqaalaha ee dalka, khataraha ka iman kara dhimista shaqaalaha, shaqo ka fadhiisinta shaqaalaha & yaraynta wax soo saarka – arrimahaasi oo dhamaantood u baahan in si wada jir ah looga hortago, taasi oo ay ku dheehan tahay masuuliyad, xilkasnimo & isku naxariisi ku aadan ka jawaabida duruufahan uu sababay xanuunka COVID-19.

 

Sidda ku cad Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah Xeer Lr 31/2004, qodobkiisa 26aad, faqradiisa 7aad, haddii laga fursan waayo in shaqaalaha qaarkood laga saaro shaqada waxa la raacayaa habraacyadan;

 

  • Inta lagu jiro xaaladaha COVID-19, Ka hor shaqo ka saarista, waxaa jira siyaasad & hab raac dabcinaya hab maamulka shaqaalaha rayidka ah ee dalka kaasi oo ay waajib tahay in loo shaqeeyuhu uu la tashi ka soo doonto Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha & Qoyska (Relaxation of labour regulations to protect jobs)
  • Waa in dhamaan nidaamka shaqo ka saarineed loo maraa hababka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr 31/2004, gaar ahaan Cutubka 8aad, Qodobka 36aad, taasi oo ku salaysan masuuliyad iyo walaaltinimo, iyadoo maanka lagu haynayo in marka xaalada dhaqaale isbedesho shaqaalahaasi ay ku soo noqon doonaan shaqada.
  • Waxa waajib ah in lala sameeyo shaqaalaha la tashi iyo ogaysiin ka hor go’aan qaadashada shaqo ka saarista – la tashigaasi oo kaddib kulamada laga dhigaayo mid rasmi ah oo qoraal ah ogaysiina la siinayo Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska.
  • Waa in shaqaalahaasi shaqada laga saaray la siiyaa xuquuqdooda shaqaalanimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr 31/2004, Cutubka 4aad.
  • Talaabo kasta oo ay qaadayaan loo shaqeeyayaasha & shaqaaluhu oo ku aadan xidhiidhka shaqada & shaqaalaha waa in la wargeliyaa Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska.

 

Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku waxa ay dhamaan loo shaqeeyayaasha dalka u soo jeedinaysaa in ay lama huraan tahay in wakhtiyada adag ee ay shaqaaluhu wajahayaan ay kaalin dahab ah oo masuuliyad & xilkasnimo ku dheehan tahay in ay qaataan. Wasaaraddu waxay si joogto ah u sii dar-dar galinaysaa u adeegida loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha.   DHAMAAND.

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *