Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku iyadoo fulinaysa xuquuqaha FASAX ee uu waajibiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr.31.2004, waxa ay ku wargalinaysaa dhamaan shaqaale waynaha Jamhuuriyada Somaliland in ay fasax noqon doonaan Maalinta Xuska Xoriyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 26 June, sannadka,2020.
Fasaxaasi waxa uu ku beegmay sanadkan maalinta Jimcaha ah, Haddaba, sidda uu tilmaamayo Xeerka Shaqaalaha Rayidku, Xeer ee Lr.31/2004, Qodobkiisa 17aad, kaas oo sheegaya “Haddii mid ka mid ah ama dhawr fasax qaran isku beegmaan shaqaaluhu wuxuu xaq u leeyahay fasax maalmeedkii uu xaqa u lahaa maalmaha ku xiga”
No comment