Marwo Hinda jaamac xirsi Gaani wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta dhagax dhigtay marmar laguso la dhigaayo xarunta dhaqan celinta maxamed mooge.
Marmarkaas oo gebi ahaanba la dhigaayo xarunta ayaa waxwayn ka tari doona bilicda xarunta kana dhigaaya xarun la jaan qaada dhigeed.
Ugu horaynba waxay wasiirku warbixin ka dhegaysatay shirkada fulinaysa hawsha oo shirkada wadaniga ah ee shaam factor.
Shirkada fulinaysa dhismahan iyo wasaarada ayaana kala saxeexday heshiis la xidhiidha hanaanka ay u dhisi doonaan iyada oo madashaas shirkada lagu gudoonsiiyay lacag dhan 30,000 oo doolarka maraykanka ah ahna wejigii koobaad ee lacagta qandaraaska.
Gunaanadkii madasha dhagax dhiga wasiirku waxay indhadhayn ku samaysay hawl qabadka shaqo iyo qaabka loogu adeego caruurta iyadoo halka warbixin kaga dhegaysatay hawl wadeenada xarunta.
No comment