Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta kulan kula qaadatay xafiiskeeda gudi hoosaadka Arrimaha bulshada ee golaha guurtida halkaaso ay warbixin ka siisay waxqabadka wasaaradda.


Marwo Hinda jaamac xirsi Gaani wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta kulan la qaadatay gudi hoosaadka Arrimaha bulshada ee golaha guurtida halkaaso ay warbixin ma siisay waxqabadka wasaaradda.
Warbixintaa oo taabanaysa.
* Wacyi gelinta gudbiinka fircooniga ah
* Ilaalinta tacadiyaadka haweenka
* Ka caawinta dadka nugul iyada oo laga caawinaayo waxwalba oo khuseeya arrimaha bulshada.
*Dhiiri gelinta haweenka ee talada dalka.
*Quudinta dadka danyarta ah.
*Khilaafaadka qoysaska iyo asbaabaha keenay.
* Siyaasada iyo xeerarka ay wasaaradu hirgelisay iyo kuway wado.
Dhanka kale wasiirku waxay warbixin ka siisay guud ahaamba baaxada wasaaradu ay leedahay iyo kaalintay bulshada kaga jirto.
ugu danbayna waxay wasiirku ka jawaabtay dhamaanba suaalihi ay mudanayaashu ka waydiiyeen hawl qabadka ay qaranka u hayso.

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *